Society - People
maxamed cilmi xasan



Waxan salaamaya dhamaan soo booqda yaasha meelkasatay joogaan waxan halkan ku soo bandhigayaa maanso
jacayl ah oo layidhaahdo {hodan} Waxaanan ku bilaabay sidan:

hadday qiiro ku hayso
jacaylka qiimo u hayso
hadday oohin ku hayso
jacaylka tamartiisa
qoraalkiisa xasuusta
hodaneey og sonow

qaddirkeen ilaahey
quraankiisa nidaamsan
qoraalkiisa hanuunsan
qunyare baa lagu sheegay
jacaylkuna waa dhibe
hodaneey ogsonow

bara saylac layidhaahdo
bataale iyo berbera
boodharibaa waa kii hadh
galay god gashee
hodaneey ogsonow jacaylka

ayaaney jacaylku waa mid aahine
silciyo dhib badanee
hodaneey ogsonow

heensaha xaradiyo
hibo dheelitiriniyo
haybad iyo quruxiyo
dhererkiyo hubqaadka
hibo eebo weeye
hodaneey ogsonow

hawraar ideeqo
hufan weeye ayaane
iyo hadal macaano
qalibagay i hantoo
dhaqdhaqaaqa talaabada
hanaankeeda wacaniyo
habsimada xishoodkun waa mid logoo seeqo
muwluhu siiye
hodaneey ogsonow

hablaha saaxil jooga
burciyo hargeisiyo
sheikh iyo sanaagba
kuwa maanta jogaa
quruxdaad u sidtaa
hodaneey ogsonow

sida sagal rooobkoo
sabadii jacaylkiyo
barta aad ku nooshahay
seero weeye nabadee
hodaneey ogsonow

boodhari jacaylkii
helay bari samaadkii
waa kii dilaye
hadane waa kii
ka tuuray gaadhiye
hodaneey ogsonow

rayarynta caashaqa
baahdia aan kuu qabo
waxan ahay bestaye
adiguna og sonow

saablayda fedhaha
caashaqa baa fadhistoo
sababada ku baahee
badhtanaha calooshiyo
wadanahayga bidix
ayuu guri ku yeeshe
adiguna og sonow

adiguna ayaaney
barta aad ku nooshahay
waa boorma iyo qalbigayga


AKHRISTE hadii aan adiga ku waydiiyo waa maxay jacayl waxaa markiiba maskaxdaada kusoo dhacaysa in uu yahay jacaylku ,waxa aabaha iyo hooyada kulmiya.

Jawaabtaadu hadeey sidaa tahay ma fikrad xumid waayo hadaaney is jeclaan waalidkaagu adigu maad dhalan-lahayn.

AAn kaa siiyo fikrad fiican hadaba jacaylka .....

Waa Maxay Jacayl?

Qorayaal fara badan ayaa isku dayay in ay wax ka tilmaamaan jacaylka, qaar kale waxay u kuur galeen sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayen micnaha uu leeyahay jacaylku, qaar kale waxay isku hawleen sidii ay faahfaahin buuxda uga bixin lahaayeen jacaylka, laakin annigu waxaa muuqata in aan la kali noqday baadhistayda cilmiyeed.

Kalmada LOVE waxaa loo soo gaabiyay sidan; L (lack of pleasure) O (ocean of sad) V (vellay of deeth) E (end the live).
Kalmadahaas oo macnahoodu yahay, (farax la,aan), (badda murugada), (dooxada quruntay), (dhamaadka nolosha).

Hadaba kalmada LOVE oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl: J (jahwareer) A (amakaag) C (calaacal) A (anfariir) Y (yaab) L (luul).

Waa Maxay Jacayl? Runtii waa su,aal ku soo noq-noqota qofka bani aadamka ah.
Balse aan isku dayo inaan ka war bixiyo jawaabtaas, maadama aan anigu isku galay mawduucan adag.

Markaynu dib u raacno dhacdooyinka iyo sooyaalka waayaha, run ahaantii waxaynu odhan karnaa ummadaha adduunka ku dhaqan hadii aynu weydiino waa maxay jacaylku? Shaki kuma jiro afkay doonaanba ha ku hadleene, inay wax inooga sheegi karaane, Soomaali ahaan inagu maxaynu ku tilmaami karnaa jacaylka?!! Markase la soo hadal qaado markiiba maxaa maskaxdeena ku soo dhaca?!! Sidee ayaanu ruux kastaba u arkaa?!!! Maxaase lagu gartaa qof kuu asiibo?!!!.

Hadaba intaynaan u bixin ka jawaab celinta su'aalahan, ninkii iska hadlayaaba ha iska hadlee jacaylku wuu jiraa, waxaanan ku sharxi karaa waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana JACAYLKI waa hanasho waa jamasho waa hilow, waana ruuxay naftu tebayso, hadh iyo habeena ay ku hamido.

Run ahaantiina Jacaylka dhabta ahi ma gudho mana dhamaado, had iyo jeerna qofka wax jeceli afkaasi kama dhigo ruuxuu jecel yahay, mar arrintaasi lays weydiiyeyna waxaa laysla gartey hadal hayntaasi joogtada inuu uga dhawaanayo, wehelna uu ka dhiganayo, waxaa kaloo la xaqiijiyey inay riyaduna xad dhaaf tahay, waana iska suurowdaa inuu habeenkiina ku qarwo!!!!.

Philosoph ( waa cilmi saynis la xidhiidha aasaaska jiritaanka dunida iyo fahanka micnaha nolosha ) iyo Diinta Islaamkuba waxyaabo badan ayeey ka yidhaahdeen jacaylka, diin kastaba ha ahaate iyo af kastaba ha ahaadaane, jacaylka isku si looma qeexo badana.

Midka jaceylku saameeya wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeerba ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxaa u jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin. Wiilka & gabadhaas waxay go’aan ku gaaraan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jaceylkooda. Waxay ka tashadaan ayahooda dambe iyo mustaqbooda siduu noqon doona.

Faa’iido iyo qaasaro wuu leeyahay jaceyl laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, taas oo micneeheeddu tahay xanuun cusub oo ku soo kordho oogadaa, jirkoo ku jajaba, niyad xumi, raashiinkoo ka go’did, iyo is daryeel la’aantaan jirkaada. Waa astaamaha jaceylka, markaad ruux jaceyl u qaadid, oo isna kuu ogeyn inaad dunida ku nooshayba.

Jaceylka noocaas ah, waa midka ugu khatarsan intaad naftaad halis gelisid amaba dhaawac isu geysatid, mana ogaantid goortaad ficilkaas sameysay, sababtoo ah, damiirkaada oo maqan. Dakhtar ku daaweyn karo maleh, illaa aad ka heshid kii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaaruu leeyahay jaceyl.

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa nooma baahna ee anagaa ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii Xaawo Iyo Aadan, Jacaylka kama maarano asagana nagama maarmo Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa Laylo iyo Qays Cilmi iyo Hodan Juuliya iyo Romeo Grendiano Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin .

Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah Dhidid Cuqdad fakar xad dhaaf ah Boholyaw Mashquul fara badan Qofka oo dhibsada hadalka U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd Tarsaas magaca qofkaad jeclayd Cunada oo kaa xiranta iyo cunaha oo wixii sii maraaba ay noqdaan candhuufta, Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iyagu ka waramaya qisooyinka jacaylka iwm.

Waxaan filaya in aynaan soo koobi karayn macnaha buuxda ee uu leeyahay Jacaylku. Balse aan isku dayay in aan Laba kalmadood oo kaliyah ka idhaahdo jacaylka.


Dadka ku xeel dheer arrimaha bulshada ee wadanka United Kingdom waxay u qeexeen Jacaylka sidan;

Love is feeling cold in the back of vans / Love is a fanclub with only two fans
Love is walking holding paintstained hands
Love is Fish and chips on winter nights / Love is blankets full of strange delights
Love is when you don,t put out the lights
Love is the presents in christmas shops / Llove is when you are feeling top of the pops
Love is what happens when the music stops
Love is when you have to leave at dawn
Love is you an love is me Love is a prison and love is free
Love´s what´s there when you ´re away for me



maxamed cilmi xasan (Society - People)    -    Author : maxamed - Somalia



1926 visitors since 2010-11-28
Last update : 2011-03-09

Blog-City.info >> Society >> Blog #16729

Create your own
WEBSITE !
PICTURES OF FRANCE


Visit France !

website author area
Password :
Forgot password? - unpublish